Muqdisho (UM) – Waxaan maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho shir ku saabsan dib u habaynta iyo soo daabicida lacagta Shillin Soomaaliga ah.
Shirkaan oo uu shir gudoominyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating, Deeqbixiyaasha taageera dowladda Soomaaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay Midoga Yurub hey’ada lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Aduunk.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa sheegay in shirkaan u jeedadiisu soo daabicida Lacagta Shilinka Soomaaliga. Waxaa uu sheegay wasiir Beyle in lacag cusub oo Soomaaliya loo soo daabaco ay ku kacayso lacag dhan 41 milyan oo doollarka Mareykanka ah taasi oo ay dowladda Soomaaliya ka codsatay hey’adaha iyo dowladda taageera in ay soo dadajiso bixin tooda.
Wasiirka ayaa sheegay in la isku afgartay in Soomaaliya laga saacido sidii ay lacag cusub u samaysan lahayd.