Shir ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

592

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shir labo maalmood ah oo ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo shirkaan furay ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay kobaca dhaqaalaha dalk lagu qiyaasay 2.3 boqolkiiba, sanadkaanna la filayao in inuu kobacu gaaro 3- 4 boqolkiiba.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa sheegay sidoo kale in sicir bararku uu hoos u dhacay 6 boqolkiiba, halka shirkadaha cusub ee is diiwaan geliyayna waa ay labalaabmeen.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda ganacsiga iyo warshaddaha Soomaaliya ayaa waxa ka qeybgalaya ganacsatada waa wayn ee Soomaaliya, wakiilo ka socdo hey’ado caalamiya sida bangiga adduunka iyo hey’ada lacagta adduunka ee IMF iyo wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.