Shir ku saabsan Dhallinyarada oo Muqdisho ka furmay

653

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta maagalada Muqdisho ka furmay shir weyne Qaranka oo looga hadlayo arrimaha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahad Maxamed Guuled ayaa si ramsi uu daahfuray shirkaan oo ku saabsan kaalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Siyaasadda iyo sida ay door firfircoon ugu yeelan karaan.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Khadiijo Maxamed Diiryir oo shirka ka hadashay ayaa sheegtay in shirweynahaan lagu gorfayn doono kaalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ay siyaasadda ku leeyihiin iyo sidda loo hormarin karo in ay door mugleh ku yeeshaan.

Shirkaan oo ay soo qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ayaa waxa ka soo qeybgalay Dhallinyarada aad u badan, ururada iyo Hey’adaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha dhalinyarada waxaana la filayaa in berri soo gabagabeeyo.