Nairobi, Kenya – Waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay dib eegista barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ee loo yaqaano SMP.
Shirkaan oo ay soo qabaqaabisay Hey’ada lacagta adduunka ee IMF ayaa waxaa diirada lagu saaray sharuudadaha deyn cafinta Soomaaliya ee ay hormuudka ka tahay wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shirkaan ka qeybgalay ayaa sheegay in sharuudihii looga baahanaa Soomaaliya wajigii labaad ay ka soo baxday.
Wasiirka Maaliyadda oo shirka kaddib wareysi siiyay Idaacadda BBC Somali ayaa sheegay in shirkaan looga hadlayay sharuudihii sanadkii hore lagu heshiiyay oo dhawrkii bilba mar laga shiro.
Maanta waxaan wareysi ku saabsan shirkii dib eegista Barnaamijka SMP ee Hey'adda IMF ee la soo gabagabeeyay aan siiyay @BBCSomali.
Waddadii deyn cafiska si fiican ayaan u haysanaa. Dadaalkeena waa in aan Labo jibaarnaa. Link hoose ka dhagayso wareysigahttps://t.co/vTdkwgZEge
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) December 6, 2018
Wasiir Beyle ayaa sheegay in Soomaaliya si wanaagsan uga soo baxday sharuudihii laga rabay, sidoo kalena la isku afgartay in waddada deyn cafiska ay meel wanaagsan ay marayso.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya lagu leeyahay lacag ku dhaw 5 bilyan oo doollarka , waxa uuna sheegay in aad loogu hanwayn yahay jn la gaari doono deyn cafiskaas yahay sanadka soo socda.

























