Shir ku saabsan deyn cafiska iyo dhaqaalaha oo Muqdisho lagu qabtay

841

Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga oo looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo dib u habaybta Maaliyadda.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray kobcinta dhaqaalaha, xaqiijinta guulaha laga gaaray barnamaajika deyn cafinta. Waxaa sidoo kale lagu soo qaaday maal gelinta dib-u-habeynta amniga, qorshaha dib-u-habeynta amniga, iyo sidii ciidamada dowladda ay awood ugu yeelan lahaayeen la wareegidda amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay arrimaha dowladdu ay horumarka dhanka dib u habaybta ah ka samaysay iyo guulaha laga gaaray qeybaha amniga iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sidoo kale ka warbixiyay horumarka laga gaaray Barnaamijka deyn cafinta iyo dib u habaybta dhaqaalaha dalka.

Safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlanga ayaa sidoo kale kulana wax ka shir guudoomiyay iyadoo Safiirada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ay ka qeybgaleen kulanka.Waxaa sidoo kale laga hadlay arrimaha xuquuqda aadanaha aadanaha, Doorashooyinka Qaranka iyo doorka haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda.

Shirkaan ayaa qeyb ka ah kulamada joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.