Muqdisho (UM) – Kulan looga hadlayay hannaanka geedi socodka ee deyn cafinta Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay maagalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shirka guddoomiyay kulan isbuucle ah oo ku saabsan geeddi socodka hannaanka cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay intii kulanku uu socday looga hadlay meesha uu marayo qorshaha deyn cafinta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay wasiirka warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray shuruudaha deyn cafinta ee dowladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan ah kahor shir dowladda Soomaaliya iyo IMF ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha Diseembar ee sanadkaan 2018-ka.
Shirkaan toddobaadlaha ah ayaa lagu fallanqeenayo guuullaha laga gaaray iyo caqabadaha la kulmay ee ku saabsan barnaamijka cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.