Shir ku saabsan arrimaha deyn cafinta Soomaaliya oo ka furmay Addis Ababa

585

Addis Ababa – Waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ka furmay shir ku saabsan dib-u-eegista 2aad ee hannaanka 4aad ee deyn cafinta Soomaaliya ee loo yaqaano ( SMP4).

Shirkaan ayaa inta uu socdo lagu eegi doonnaa Waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya sanadkii tagay ee 2019-ka, caqabadihii la kulmay iyo waxa ay hiigsaneyso Wasaaraddu sannadkan 2020-ka.

Shirkaan ayaa u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, Hey’adaha lacagta aduunka ee IMF iyo Bangiga Aduunka.

Shirkaan ayaa waxa ka qeybgalaya wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Agaasimayaasha dakhliga, Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud.

Gabo gabada shirkaan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-saxafadeed ku saabsan natiijada qodobadii looga hadlay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Hey’addaha dhaqaalaha Adduunka iyo saaxiibadeeda caalamka ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha faraha badan ee lagu leeyahay.