Muqdisho (UM) – Shir ku saabsan arrimaha dastuurka ee xaquuqada aadanaha ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo saddex maalin socon doono kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, ayaa looga hadli doonaa arrimaha Xuquuqda Aadanaha.
Shirkaan ayaa waxaa soo qaybgalay Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan matalaadda siyaasadeed laheyn.
Shirka ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Cabdi Xoosh, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeqo Yaasiin, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaalima Ismaaciil iyo mas’uuliyiin kale oo kala socday hey’adaha dowladda iyo Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Xaliima Ismaaciil ayaa sheegtay in Gudigga Doorashooyinka uu ilaalinayo Dastuurka iyo shuruucda doorashada ee qeexaya u dhamaanshaha siyaasaadda iyo doorashooyinka si doorasho loo dhanyahay ay dalka uga dhacdo iyada oo maanka lagu heynayo ka qaybgalka doorashada ee dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed laheyn.
Wasiirka Haweenka Deeqa Yaasiin oo shirka ka hadashay ayaa sheegtay in muhiimadda uu leeyahay Cutubka labaad ee Dastuurka KMG ee ka hadlaya Xuquuqda Aadanaha, in uu yahay cutubka ugu muhiimsan ee Dastuurka. waxa ay sheegtay in Wasaaradda Haweebka iyo Xaquuqada Aadanaha ay ka go’antahay inay si dhow u la shaqeeyso Wasaardda Arrimaha Dastuurka si loo sugo xuquuqda Aadanaha.
Sidoo kale Wasiir Dastuurka Cabdi Xoosh oo furay shirka ayaa ka hadlay muhiimada shirka iyo meelaha uu Xoogga saarayo inta uu socda.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in shirkan oo aan muddo soo qaban-qaabinaynay uu maanta inoo bilaabmo, waxaan rajeynayaa talooyin miro dhal ah oo xoojinaya Xuquuda Aadanaha in aan soo saari doonno. Wasaaradda Dastuurka waxaa ka go’an inay dedaal ku bixiso in la dhowro Xuquuqda Aadanaha, waxaana idinka codsanayaa inaad arintan muhiimka ah nala garab gashaan”. Ayuu yiri Wasiirka Dastuurka.
Shirkaan ayaa socon doono muddo saddex maalmood ah iyadoo la filayo in laga soo saaro qodobo iyo tallooyinka laga soo aruuriyay dadk kale duwan ee ka qeybgalaya.