Muqdisho (UM) – Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shir wadatashi oo looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha gudaha iyo Qaxootiga soo laabtay ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisoow) oo furay shirka ayaa sheegay in Maamulka Gobalka Banaadir, isagoo ka duulaya masuuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay deegaanadoodii, u soo agaasimay shir looga tashanayo mustaqbalka dadka barakacayaasha, isagoo ku daray in qorshuhu yahay in barakacayaasha Gobolka Banaadir sanadka 2020-ka xal waara loo helo.
Maamulka Gobalka Benaadir, isagoo ka duulaya masuuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay deegaanadoodii, wuxuu maanta qabtay shir looga tashanayo mustaqbalkooda, maadaama qorshuhu yahay in barakacayaasha Muqdisho sanadka 2020 xal waara loo helo pic.twitter.com/H5GfdRp3NN
— Abdirahman O. Osman (@engyarisow) March 5, 2018
Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo ay ka qabgelayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’addaha u dooda xaquuqda qaxootiga iyo dadka barakacayaasha.