Shir degdeg ah oo la isugu yeeray Madaxda Galmudug

2008

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.

“Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar ka mid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xaafiiska Madaxweynaha.

Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ka furmi doona Madaxtooyada laga bilaabo 24ka bishaan Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

“Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.” Ayuu ku yiri Madaxweynuhu warka qoraalka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.

Khilaafaadka ka jira Galmudug waxay soo mareen marxalado kala duwan, mar walbana Dowladdu waxa ay u taagantahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.

Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taasoo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda. Ayaa lagu soo gabagabeeyay warka ka soo baxay xaafiiska Madaxweynaha.

Lama oga khilaafka siyaasideed ee maamulka Galmudug ka tagaan waxa uu ku dambayn doono iyo gacanta ay ka gaysan doonto dowladda Federaalka ah xalintiisa iyo ka mira dhalinta xal siyaasadeed oo waara.