Shir Caalami ah oo Arrimaha Dhuxusha looga hadlayo oo Muqdisho ka furmay

788
Kenya Defence Forces and Somali Transitional Federal Government (TFG) soldiers take part in a joint-patrol at a charcoal depository formerly under the control of Al Shabaab militants in Burgabo, south of Kismayu in Somalia December 14, 2011. REUTERS

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Hay’adaha Qaramada Midoobay, Dowladaha taageera Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo mas’uuliyii ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in jarista dhirta ay waxyaallo ba’an ugeeysatay gayiga Soomaaliya iyo in dhuxusha dalka laga dhoofiyo ee shan laab ka badantahay tan dalka gudihiisa lagu isticmaalo.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenku in ay isku dayayaan in la sameeyo sidii ay u meelmarin lahaayeen sharci mamnuucaya jarista dhirta.

Peter de Clercq, oo ah ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  islamarkaana ah isku-dubaridaha Howlaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya (Madaxa UNOCHA) ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashaan doonaan qaabkii loo heli lahaa ilo kale oo lagu daboolo isticmaalka dhuxusha.

Dhanka kale waxaa shirka laga sheegay in dhuxusha laga dhoofiyo dalka ay dhaqaalo badan ku qabaan kooxaha argagixisada.

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa in labo maalmood uu ka socdo magaalada Muqdisho, iyada oo la filayo gaba gabadii in laga soo saaro qodobo muhiim u ah joojinta xaalufka lagu hao deegaanka.