Magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Pakistan ayaa waxaa ka furmay shirka wadamada qaybta ka ah xafiiska hay’adda Qaramada Midoboobay u qaabilsan Caafimaadka adduunka ee WHO.
Xafiiskaas ayaa waxaa loo yaqaanaa xafiiskiisa howlaha Barriga Mediterranean ka ee WHO, waxaana qayb ka ah Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa uu ka furmay hoteelka Sarena ee magaalada Islamabad ee Pakistan, waxaana so rasmi ah u furay madaxwaynaha dalka Pakistan Moomnon Xuseen.
Shirka ayaa waxaa dalalka ka qayb galay ay ka hadlayaan arrimaha deg dega caafimaadka iyo arrimaha bani’aadanimada.
“Waxaa Magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ka furmay shirki Regional Committee ee Wadama xubnah ka ah EMRO WHO” sidaas waxaa barta Twitter-ka kusoo qoray wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya.
Agaasimaha hay’adda WHO Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in xaaladda caafimaadka dalalka shirkan uu u furmay maadaama ay badankooda rabshado ay ka jiraan.
Shirkan ayaa ah kii 64 ee ay sheegaan dalalka qabta ka ah ururka EMRO ee WHO.
Dalalkan ayaa kala ah
Afghanistan, Djibouti, Somalia, Masar, Iran, Ciraaq, Urdun, Kuwayt, Lebanon, Imaaraadka, Libya, Morocco, Falastiin, Cuman, Pakistan, Suudaan iyo Suuriya.
Hoos ka arag sawirada shirka