Shil Tareen oo ku dhintay 24 oo ka dhacay Turkiga

873

Shilka Tareen ayaa waxaa ku geeriyooday dad garaya 24-ruux kaasi oo ka dhacay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga,sida uu sheegay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalkaasi Recep Akdag.

Wakaaladda wararka ee Anadolu oo soo xiganeysa  Recep Akdag,ayaa ku warantay in hadda uu soo gabagaboobay howlgal lagu badbaadinayay dadka shilka uu kula galay tareenka gobolka Tekirdaag,wuxuuna ku sii jeeday Istanbul.

Ugu yaraan 73-Qof ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhaawacantay shilka,sida laga soo xigtay Wasaaradda caafimaadka Turkiga.

Tareenka ayaa waxaa saarnaa,362 Rakaab, waxaana shilka loo aaneynayaa roobab xooggan oo da’ayay iyo dhul dillaac jira,sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Turkiga.

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca “ Helicopters” ayaa loo diray goobta shilka uu ka dhacay.kuwaasi oo dadka dhaawacmay lagu soo qaaday.