Wararka laga helayo dalka Ruushka ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta diyaarad rakaab ah ay burburtay.
Warbaahinta Caalamiga ah ayaa waxaa ay Ku waramaysaa in diyaaraddu ay burburtay wax yar un ka dib markii ay ka soo kictintay garoonka diyaaradaha Domodedovo ee magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka waxaana ay Ku burburtay meel u dhow magaalada Ramenskoye oo 40KM u jirta Moscow.
Diyaaradda waxaa lahayd shirkadda duulimaadka Saratov Airlines ayadoo duulimaad Nambarkeedu uu ahaa 703.
Waxaa saarnaa 71 qof oo rakaab ah, waxaana lagu waramayaa in dhammaan rakaabkaasi aanu jirin cid ka badbaaday.
Wasiirka Duulista Hawada dalka Ruushka Maxim Sololov, ayaa waxaa uu xaqiijiyay inaysan jirin cid ka badbaaday burburka diyaaradda.
Dadka dhintay waxaa ay isugu jiraan 65 rikaab ahaa iyo 6 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha diyaaradda.