Shir gaari oo ay Ku dhinteen ciyaartooy ka mid ah ciyaartoyda mid ka mid ah kooxaha ciyaaraha barafka ee Hockey loo yaqaano ayaa ka dhacay dalka Canada.
Booliiska dalka Canada waxaa ay sheegeen in shilkan ay Ku geeriyoodeen in ka badan 14 qof halkan tiro Kalena ay Ku dhaawacmeen.
Waxaa la sheegay in shilka uu yimid ka dib markii ay isku dhaceen baskii ciyaartoyda waday iyo gaari xamuul ah.
Ra’iisul wasaaraha dalka Canada oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter ka ayaa waxaa shilkaasi uu Ku tilmaamay musiibo qaran isagoo sheegay in aysan jirin waxaa uu Ku qiyaasi karo waxa ay dareemayaan waalidiinta dhalay dadka shilka Ku geeriyooday.
I cannot imagine what these parents are going through, and my heart goes out to everyone affected by this terrible tragedy, in the Humboldt community and beyond. https://t.co/2cIn2CTy08
— Justin Trudeau (@JustinTrudeau) April 7, 2018