Shiinaha oo UNICEF Soomaaliya guddoonsiinaya $2 Milyan

985

Muqdisho ( UM) – Xaflad lacag loogu guddoonsiinayo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka Carruurta  ee UNICEF, ayaa lagu wadaa in 21 ka bishan lagu qabto magaalada Muqdisho.

Lacagta la guddoonsiin doono UNICEF ayaa waxaa ay gaaraysaa $2M (Labo milyan ee dollar taasi oo ka timid dowladda Shiinaha (China).

Xafladda ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb galaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federal ka ah ee Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya danjire Qin Jian, ayaa labada Milyan ee dollar waxaa uu Ku wareejin doonaa Steven Lauwerier oo ah wakiilka UNICEF u qaabilsan Soomaaliya.