Shiinaha ayaa ugu dambeyntii ugu hambalyeeyay Joe Biden guushiisa la saadaalinayay ee doorashada madaxtinimada Mareykanka, kaddib aamusnaan toddobaad qaadatay.
“Waan ixtiraameynaa xulashada dadka Mareykanka. Waxaan u hambalyeynaynaa Mr Biden iyo Ms Harris,” afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa yiri Jimcihii.
Xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa muhiim u ah labada dhinac, iyo dunida oo dhan. Xiisadaha ayaa cirka isku shareeray muddooyinkii ugu dambeeyay, ganacsiga, basaasnimada iyo aafada cudurka Corona Fayras ayaa dagaal labada al u badnaa.
Ruushku wali uma hambalyeeyn Mr. Biden.
Afar sano ka hor, hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee u hanbalyeeya Donald Trump guushii doorashada, laakiin ma jirin wax qoraal ah oo Tweet, telegram ama taleefan ah oo loo diray Mr Biden markaan.
Mr Biden wuxuu wicitaanada ka qaatay dhowr hogaamiyeyaal caalami ah maalmihii la soo dhaafay.
Hambalyada ayaa bilaabatay in loo soo diro Mr. Biden laga bilaabo Sabtida hore, markii Telefishinka iyo Wargeysyada waa wayn ee Mareykanka ay odorosayeen natiijada doorashadii inuu ku guuleystay Mr. Biden.
Madaxweyne Trump ayaa diiday inuu aqbalo tajiida doorashada in laga adkaaday uuna u hambalyeeyay ninka ka guuleystay ee Biden.
Madaxweyne Trump wuxuu sii waday inuu sameeyo eedeymo aan la xaqiijin oo ku saabsan musuqmaasuqa codbixiyeyaasha isagoo aan bixin caddeyn cad. Maalintii Khamiista, koox ka tirsan saraakiisha doorashada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa si toos ah u beeniyay sheegashooyinkaas, iyagoo sheegay in codbixintu ay ahayd “tan ugu amniga badan taariikhda Mareykanka”.