Shiinaha oo soo dhaweeyay heshiiska Nukleerka ee labada Kuuriya ay gaareen

807
Hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed oo heshiiska dhanka Nukleerka ah kala sixiixday. Sawirka: Reuters

Dowladda Shiinaha ayaa bogaadisay heshiiska ay gaareen Hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed kaddib shir taariikhi ah oo ay jimcihii. Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay macluumaadka ku saabsan mamnuucida hubka Nukliyeerka ay noqon doonto qodobka ugu muhiimsan ee shirka la filayo inuu dhexmaro Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi horeenta bisha May.

Dowladda Shiinaha ayaa soo dhawaysay, kuna bogaadisay labada Kuuriya heshiiska ku saabsan baabi’inta hubka Nukliyeerka ah ee gacanka Kuuriya iyo nabadgalyo joogto ah oo ka dhalata Gobolka.

Wasaarada arrimaha dibadda Shiinaha ayaa ku sheegtay hadal ay soo saartay in ay dhammaan niciyada uu quseeyo heshiiskaan ay ka rajaynaso in ay sii xoojiyaan, sidoo kale arrimaha siyaasideed ee ka taagan Gobolka xal diblomaasiyadeed lagu dhammeeyo.

“Waxaan ka rajeyneynaa in dhinacyada ku ay quseysi ay sii wadi doonaan socodka wadahadalka oo ay wadajir uga shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa baabi’inta Nukleerka iyo xal u helida khilaafyada taagans. Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu sii wado doorkiisa wanaagsan ee uu ku leeyahay arrintan, “ayuu yiri, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.

Hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa shalay kulankoodii ugu horreyay oo ka fool-ka fool ah ku yeeshay aaga militiriga ka caagan ee xadka labada dal tan iyo markii uu dhaamaday dagaalkii labada Kuuriya sanadkii 1953-dii.

Kulanka taariikhiga ah ee ay yeesheen kaddib ayay labada Hoggaamiyeyaasha labada Kuuriya isku afgarteen baabi’inta Nukleerka ah iyo in gacanka labada Kuuriya uu noqodo meel ka caagan hubka Nukleerka ah.

Heshiiska labada Kuuriya ayaa aad looga soo dhaweeyay dunida gaar ahaan Mareykanka , Ruushka iyo waddamada kale ee saamaynta Siyaasadeed ku leh labada Kuuriya.