Shiinaha oo ku hanjabay in ay qabsan doonaan Jaziirada Taiwan

1305
Safiirka China ee Mareykanka Li Kexin sawirka ( Central News Agency)

(UM) – Diblomaasi u dhashay dalka Shiinaha ayaa ku hanjabay in ay weerar ku qaadi doonaan Jaziirada Taiwan haddii markab dagaal oo Maraykanka uu tago halkaas.

“Maalinta, markab dagaal uu yimaado kooshing waa maalinta  ciidanka dadka shiinaha ay xoog dib ugu soo celin doonaan Taiwan”, sidaas waxaa laga soo xigtay diploomaasi u dhashay dalka Shiinaha oo ka tirsan safaarada Shiinaha ee Washington.

Hanjabaadaan uu jeediyay ayaa timid kadib markii golaha sharci dajinta Maraykanka ay ogolaadeen in maraakiibta dagaal iyo ciidanka labada dal ay booqan karaan gayiga labada dal.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan qayb ka mid ah dhulkeeda, laakiin jaziirada waxaa xukuma Jamhuuriyada Shiinaha ee Taiwan kadib markii ay iskaga carareen Jamhuuriyada dadka shiinaha ka gadaal dagaalkii sokeeye ee shiinaha.Qadayida Taiwan ayaa aheyd mid sanado badan dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha.

Wasiir lei oo ka tirsan Shiinaha ayaa sheegay in booqashaadan ay xadgudub ku tahay sharciga diidaya go’itaanka oo la soo saaray sannadkii 2005-ta. Sharcigaas oo looga gol lahaa sidii looga hortagi lahaa cadaadis cusub oo Taiwan ay ku dooneysay in ay kaga go’do Shiinaha intiisa kale.

Sharicigaas waxa uu rasmi ka dhigay hanjabaada shiinaha,iyada si cad loogu qoray in Shiinaha uu tallaabo qaadi doono haddii Taiwan ay isku daydo in u dhaqanto sida waddan madaxbannaan.

War rasmi ah kama soo bixin dhinaca Maraykana,laakiin sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Maraykan ayaa sheegay in aysan caddeyn sida Maraykanku u fasiran karo mowqifka shiinaha, laakiin hanjaabada Shiinaha tahay mid aan wax dhiseyn.

La wareegitaanka shiinaha ee badda dhacda shiinaha iyo filibiin dhexdeeda iyo tijaabooyinka militari ayaa loo arkaa mid sharci darro ku ah sharciyada caalamiga ah. Walise Shiinaha waa uu sii wadaa oo marnaba ma joojin tilaabooyinka militari iyo dhisida dhulalka lagu muransanyahay.

Ilaa hadda ma cadda sida Taiwan iyo Maraykana uga fal celin doonaan hanjabaada Shiinaha.Waxaase muuqata in ay ka dhalan karto khatar haddii aan xal kale laga gaarin arrinta.