Shiinaha oo ku booriyay Mareykanka inuu ka laabto Cunaqabataynta iibsiga hubka

979
Shiinaha ayaa ka soo iibsaday diyaaraha dagaalka nuucuudu yahay Sukhoi Su-35 fighter  Ruushka. Sawirka: Reuters

Shiinaha ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu ka baxo cunaqabateynta ciqaabta ah ee lagu soo rogay militeriga Shiinaha ee iibsasiga diyaaradaha dagaalka iyo gantaalaha ee Ruushku sameeyay ” haddii kale uu wajidoono cawaaqibka xun”.

Khamiistii, Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Shiinaha iibsashada diyaaradaha ee nuucoodu yahay SU-35 iyo S-400 ay ku duulaan diyaaradaha qumaatiga u kaca uu ku xadgudbay sharciga ciqaabta Mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo Ruushka isaga oo ku eedeeyey inay ku lug lahaayeen doorashadii 2016 ee Maraykanka iyo arrimaha Ukraine.

Laakiin, Shiinaha ayaa uga digay Washington cawaaqibka ka dhalan kara haddii uusan ka laaban cunaqabataynta qorshaha Shiinahu ku doonayo inuu hubka uga iibsado Ruushka.

“Shiinaha ayaa muujinaya carro xoog leh oo ka dhan ah dhaqamada aan macquul ahayn ee Mareykanka,” afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Geng Shuang ayaa sidaas u sheegay warfidiyeenka.

Shiinaha ayaa uga digay Mareykanka cawaaqibka ka dhalan kara haddii uusan Mareykanka ka laaban cunaqabataynta ka dhanka ah hubka militeri ee shiinuhu ka soo iibsado Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale uga digtay Mareykanka inuu ” dab ku ciyaarayo” iyadoo ku eedeeysay Mareykanka inuu isku dayayo inuu suuqa hubka adduunka.

Shiinaha ayaa ka soo iibsaday diyaaraha dagaalka nuucuudu yahay Sukhoi Su-35 fighter  Ruushka.