Shiinaha oo joojisay duulimaayada shirkadda Boeing 737 kaddib burburkii Diyaarada Ethiopian Airlines

604

Hey’adda duulista hawada ee Shiinaaha ayaa ku amartay shirkaddaha gudaha dalkeeda in ay hakiyaan duulimaayada diyaarada sumadeedu tahay Boeing 737 Max 8 kaddib burburkii diyaarada Ethiopian Airlines oo isla nuucaas ahayd.

Diyaaradaha ayaa lagu amaray in ay hakiyaan duulimaayada dhammaan shirkadda Boeing 737 Max 8 ka hor saacadu marka ay tahay 18:00 waqtiga Shiinaha.

Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa burburtay daqiiqado kaddib markii ay kacday garoonka magaalada Addis Ababa Axadii shalay, iyadoo dhammaan dadkii saarnaa ay ku dhinteen.

Waa shilkii labaad oo ay ku lugyeelato diyaaradaan nuucadeedu yahay 737 Max 8 shan bilood ee la soo dhaafay.

Inkasta oo khabiiradu ay ka digayaan in ay tahay waqti hore in la sheego sababta keentay burburkii shirkadda Ethiopian Airlines, waxay timid ka dib markii diyaaraad kale oo ay isku nuuc ahaayeen oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Lion Air ay burburtay bishii Oktoobar.

Diyaaradda ayaa ka luntay heerkeediijoogeeda wax yar kaddib markii ay duushay, iyadoo ay ku dhinteen 189 qof.

“Marka la eego in laba shil oo ay ku lug leeyihiin duulimaadyadii shirkaddaBoeing 737 ee Max 8, isla markaana dhacay intii lagu guda jiray marxaladan, waxay haystaan heer isku mid mid ah,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska duulista hawada eeShiinaha.

Diyaaradii Shalay dhacday ee Ethiopian Airlines ayaa dadkii saarnaa ee ku dhintay waxaa ka mid ahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo haysta dhalashada dalal kala duwan, sida Britian, Mareykanka iyo kanada. Waxaa sidoo kale ka mid ahaa mas’uul ka tirsanaa hawlwadeena xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.