Shiinaha: Huteel lagu karantiilo dadka qaba xanuunka Corona oo dumay

224
Macada waxa sababay burburka dhismaha Huteelka iyo haddii dad ku dhinteen. Huteelka oo shaqan dabaq ahaa ayaa ka koobna 80 qol oo martida ah. EPA

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku xanibmay gudaha hoteel loo adeegsado in lagu karantiilo dadka qaba fayraska Corona oo ku taal magaalada Quanzhou ee dalka Shiinaha kaddib markii ay soo duntay.

Qiyaastii 40 ka mid ah 70-kii ayaa laga soo badbaadiyay burburka dhismaha huteelka oo ka kooban shan-dabaq ee lagu magacaano Xinjia, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Muqaal la soo dhigay internetka ayaa muujinaya shaqaalaha gurmadka iyagoo ku la xarbinaya burburka dhismaha ee gobolka koonfurta Fujian.

Ma cadda waxa sababay burburka ama haddii dad ku dhintay.

Shaqaalaha gurmadka degdeg ah ee xiran dharka oranjiga goobta burbur ku sugan halkaasi oo ka baadi goobayaan dad ku hoos jira burburka dhismaha. EPA
Shaqaalaha gurmadka degdeg ah oo dad ka badbaaday ka dhex raadinaya burburka dhismaha Huteelka. EPA

Huteelka ayaa dumay qiyaastii 19:30 waqtiga maxalliga ah ee Shiinaha.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegaysa in huteelka loo adeegsanayay sidii xarun karantiil oo lagula socdo dadka xiriir dhaw la lahaa bukaanka qabo xanuunka fayraska corona.

Huteelka ayaa la sheegay in la furay sanadka 2018 isla markaana uu ka koobnaa 80 qol oo tida loogu talagalay.

SHARE