Jowhar – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha Jowhar masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo Xildhibaano iyo Siyaasiyiin heer Federaal ah.
Safarka Madaxweyne Sheekh Shariif ee Jowhar ayaa imanaya iyadoo magalaada Jowhar ay ka socoto diyaar garowga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, tan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Toddobaadkaan ayaa lagu dhawaaqay liiska xubnaha Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle oo dhawaan lagu waddo in ay iska dhex doortaan Guddoonka Baarlamaankaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad ugu lug leh arrimaha doorashada Hirshabelle iyadoo saamayn wayn ku lahayd soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka iyo sidoo kale jihaynta Doorashada Madaxda dowlad Goboleedyada Hirshabelle.
Madaxweyne Shariif oo ka mid ah madaxda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada maamulka Hirshabelle ayaan oga waxa safarka Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka beddeli karo arrimaha Doorashada Hirshabelle.