
Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaaradii siday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, taasoo ka soo qaaday degmada Xudur, halkaasoo uu saaka iska dhiibay.
Diyaarada ayaa waxaa la saarnaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliye kuxigeenka NISA iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed.
Ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ammaanka Abuu Mansuur la wareegay Ciidamada gaarka ah ee Nabadsugida.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka la geynayo Mukhtar Robow iyadoo aanay wali dowladda Soomaaliya si rasmi ah arrintiisa ka hadlin.
Warar ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar loo galbiyay madaxtooyada Soomaaliya ayadoo lagu wado inuu wadahadal la yeesho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa saaka kulan gaar ah ka yeeshay xaalada Abuu Mansuur sida wararku ay sheegayaan.
Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sanadkii 2013 gooni uga baxay Al-Shabaab, kaddib markii ay is khilaafeen Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane.
Bishii June ayay aheyd markii Mareykanka uu ka saaray liiska dadka aadka loo doon doonayo, iyadoo madaxiisa ay dul saarneyd lacag gaareysa illaa shan milyan oo dollar, waxaana wixii markaas ka dambeeyay Al-Shabaab ay culeys saartay Wadaadka, isla markaana weerartay deegaankii uu ku sugnaa.