Sheekh Hasina oo ku guulaystay doorashada Bangladesh

667
Ra'iisul Wasaare Sheekh Hasina ayaa markii saddexaad oo isku xigta ku guulaystay doorashada Baarlamaaniga Bangladesh. Sawirka: Al Jazeera

Ra’iisul Wasaare Sheekh Hasina ayaa markii saddexaad oo isku xigta ku guulaystay doorashooyinka Baarlamaaniga ee dalka Bangladesh sida ay ku dhawaaqay Guddiga doorashooyinka.

Xisbiga talada dalka haya ee Awami ay ka tirsan tahay iyo isbahaysigiisa ayaa ku guulaystay 288 kursi oo ka mid ah 300 boqol ee kuraasta Baarlamaanka ee lagu tartamay , taasi oo ka badan kuwii doorashadii hore ay ku guulaysteen.

Mucaraadka ayaa diiday codadka ay ku guulaystay kuna tilmaamay” wax lagu qoslo,” taasi oo ay hareeyeen rabashado, cabsi gelin iyo sheegashada codad lagu shubtay.

Mucaraadka ayaa helay 7 kursi waxa ayna dalbadeen in codeyn cusub la sameeyo.

Baarlamaanka dalka Bangladesh ayaa ka Kooban 350 kursi guud ahaan, 50 ka mid ah ayaa loo qoondeeyay haweenka waxaana loo qoondeeyey saamiga guud ee codadka.

“Waxaan ku boorrineynaa guddiga doorashooyinka in ay si deg deg ah natiijadaan uga baxaan,” ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka Kamal Hossain.

“Waxaannu dalbanaynaa in doorasho cusub la qabto xilli dowlad dhexdhexaad ahi jirto sida ugu dhaqsaha badan.”

Guddiga doorashooyinka Bangladesh ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in ay maqleen eedeymo ku saabsan codad-lagu shubtay “dalka oo dhan” ayna baaritaan ku samayn doonaan.

Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay iska horimaadyo dhex maray taageerayaasha xisbiga talada haya ee Awami League iyo kuwa mucaaradka.