Sheekh Cabdulaahi Sulfa oo ka mid ahaan jiray fanaaniinta Soomaaliya oo xaalad caafimaad soo wajahday

4566

Sheikh C/llaahi Sulfa oo ka mid ahaan jiray fannaaniintii hore ee Iftin balse xili hore fanka ka towbad keenay, haddana Imaam iyo Sheekh daaci ka ah dalka Sacuudiga ayaa waxaa soo wajahay xannuun dhinaca kelyaha ah, iyadoo shaqadii kelyaha gabeen mar walbana laga dhaqo.

Sheikh Sulfa ayaa booqasho ugu tagay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa qasriga ay ka daganayeen Caasimadda Jeddah iyadoo uu M/weynuhu dersay xaalada Sheekha, wuxuuna uu ballan qaaday inuu xil iska saari doono qarashka ku baxa caafimaadkiisa inta laga gaarayo qaliinka looga badalayo kelyaha.

Sawirro laga soo qaaday kulanka dhex maray Farmaajo iyo Sheekh C/llaahi Sulfa ayaa muujinaayo isbedelka Sheekh Sulfa.

Sheikh C/llaahi Sulfa ayaa wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii Somalia xiligii hore, iwalow uusan hadda jecleyn in dib loo dhageysto heesahiisa.

Fanka ayuu ka baxay muddo hore isagoo u go’ay dhanka daacinimadda oo uu mudooyinkii dambe aad ugu howlanaa. Sheekh Sulfa ayaa ka mid ah tiro ka mid ahaan jiray fanaaniinta oo sheegay inay isaga baxeen fanka.