Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaruhuba waxay ballanqaadeen in ay dhisi doonaan dowlad wax qabadkeeda shaacbku dareemo.Ballan si gaar ah loo sii xasuusto ayaa aheyd in aysan jiri doonaan safar ujeeddo la’aan ah oo ay dibadda ugu ambabaxaan Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo waliba golaha wasiirada. Taa badalkeedana waxay ballan qaadaaeen in ay waqti badan ku qaadan doonaan gudaha si shacabka loogu shaqeeyo. Maantase waxaa caddaatay in taasi ay aheyd hadal macaan oo mar la jeediyay.
Safarada dibaddu waxay muhiimad gaar ah u leeyihiin Soomaaliya maxaa yeelay waxaa Soomaaliya lagu metalayaa fagaarayaal caalami ah oo lagu kasban karo saaxiibo, dhaqaale iyo saameeyn intaba. Laakiin safardii u danbeeyay ee wasiirada Soomaaliya ayaan wax badan ka duwaneyn dalxiis, iyada oo lagu qarash gareeynayo hantida qaranka.Waxaa xitaa lasoo wariyay in wasiirro ay diyaarado ku kala badasheen garoomo caalami ah, in badana ay iska maqanyihiin iyaga oo aan wax la xisaabtama aysan jirin.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanan in uu kaliya aaday ka qayb galka kulamo muhiim ah, hase yeeshee Ra’iisul wasaaraha ayaa u muuqda in uu luminyay la socodka safarada wasiiradiisa. Waxaa jira waraaq rasmi ah oo ay tahay in wasiir kasta oo dibadda u aadaya hawl shaqo uu buuxiyo si uu fasax ugu helo wasiiru dowlaha xaafiiska Ra’iisul wasaaraha. Socod yar se haddii aad ku tagto Nairobi iyo hoteeladeeda waxaad ogaanee in qaabkaan yahay mid aan wax badan oo micno ah ku fadhiyin. Tani waa tilmaam muujineysa sida xaafiiska Ra’iisul wasaaraha uu isku dhaxyaacsanayahy sababo isku xirnaasho la’aan darteed, kasokow dhismaha qayb lagu sheegay waxqabadka oo aan waxba qaban.
Wasiirada waxaa loo magacaabay in jagooyinka loo dhiibay ay dadka Soomaaliyeed ugu adeegaan, wayna u bixi karaan safar muhiim ah oo dibadaeed oo shaqadooda ah. Hase ahaatee waxaa muuqaneysa in safarada ay u baxaan wasiirada Soomaalida inta badan ay yihiin kuwa aan muhiim ahayn, amaba kuwo iyaga u gaar ah oo kharajka ku baxayana laga bixiyay qasnada kooban ee dowladda. Sheekooyin hoose oo lala yeeshay hawl wadeenno sarsare ee dowladda ka tirsan ayaa lagu ogaaday in wasiirada badankood aysan keenin wax warbixin ah oo ku saabsan safarka ay aadeen. Waxaa intaas dheer in safarrada qaar ay wasiiradu tagaan aysan qasab aheyn oo ay tagi karaan hawl wadeenada kale ee wasaarada ka shaqeeya taasina waxay wakhti u baajinee wasiirka, qasnada dadweynaha canshuur iska bixi laheyd.
Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda sida kuwa ay inta badan booqdaan wasiirada tan Nairobi oo kale ayaa noqday goobo ka shaqeeya soo saarida visayaasha ay rabaan wafdiyada ay hoggaamiyaan wasiirada oo ka qayb galaya kulamo aan la aqoon waxay ku saabsanyihiin, ama wasiirada oo iska aadaya safari gaar ah oo dibadda ah iyaga oo wata passportka diplomaasiga , iyaga oo uusan ka warqabin Ra’iisul wasaaraha.
Sidani waa fadeexad diblomaasiyadeed iyo khasaarinta waqtiga safaaradeedka lagu bixin lahaa xoojinta iyo adkeeynta xiriirka wadamada kale, ma ahan in waqti lagu bixiyo ka talo siinta wasiirada cabirka masawirka ay safaaradaha geyn lahaayeen ama halka wasiirada iyo saraakiisha sarsare ee dowladda ay kulmo aan rasmi aheyn kula qaadan karaan saraakiisha ajnabiga ah. Habka kaliya ee wax looga qaban karo arrintaan waxyeeladda leh ayaa ah in la qoro, oo la dhaqangaliyo siyaasad safar taas oo horseedda danta dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay la socoto isla xisaabtan lagu ogaanayo in dhammaan safarada dowladda ay wax la mid ah keenaan kharajka ku baxay. Su’aasha la is weydiinayo cidda safreysa waa in ay caddahay. Xaggee aadee , maxaadna u aadee?. Maxay faa’iido ah u leedahay dalka safarkaaga maxaadna dalka kusoo celin kartaa.?
Dowladda Soomaaliya waxay goor horeba isticimaashay dhammaan canshuurihii ay gudaha ka aruurisay. Ma jiro wax miisaaniyad hormarineed ah oo lagu talo galay wax ka qabashada saboolnimada iyo adeegyada dadweynaha. Dadka Soomaaliyeed oo bixinaya canshuurta ay ka jaraan mushaaraadka iyo dakhliyada yare ee soo galla waa in aysan taageerin safarada ujeedda la’aanta ah ee wasiirada iyo hawladeenada sarsare ee dowladda. Safarada gaarka ah waa in loo maalgaliyaa si gaar ah ama shakhsiyan ah.