Shaqo joojin ka jirta Suuqa Bakaaraha (Sawiro)

1255

Guud ahaan waxaa saakay xiran ganacsiyadii suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, kadib markii uu dhaqan galay go’aankii shalay ay gaareen ganacsatadda gobolka Banaadir ee ahaa iney shaqo joojin sameeyaan.

Shaqo joojintaan ayaa timid ka dib markii ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay kusoo rogtay Canshuur dheeraad ah oo aysan qaadikarin.