Shaqaalle Ajaaniib ah oo lagu afduubtay Libya

358

Dowladda Liibiya ayaa xaqiijisay  in dablay hubaysan ay weerar ku qaadeen xarun ay ku sugnaayeen shaqaale ka howlgala mashruuc lagu magacaabo GMR islamarkaana ay Afduubteen Shaqaalihii ka howlgalaayay.

Dowladda Liibiya waxa ay xaqiijiysay in dhammaan Shaqaalihii ee halkaasi ku sugnaa la Afduubtay ,kuwaasoo u badnaa Ajnabi.

Kooxda afduubatay shaqaalahan ayaa sii daayay kuwo u dhashay Liibiya halka kuwa ajaanibta ah ay kaxaysteen.

Shaqaalaha la afduubtay waxaa la sheegay inay kasoo jeedaan dalal ka tirsan qaaradda Aasiya.

Ibraahim Bu shaaf  Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka fadhiggiisu yahay bariga dalka Libya  ayaa xaqiijiyay dhacdada, waxaana uu sheegay in waddaan baaritaano.

SHARE