Muqdishi (UM) – Qaar ka mid ah Shaqaallaha rayidka Soomaaliyeed oo ay wareysi kula yeelatay Ummada media magaalada Muqdisho, ayaa carro ka muujiyay in xildhibaannada mararka qaar ay bixiyaan canshuur ka yar tan shaqaallaha rayidka ah sida uu qabo heshiis dhaxmaray Baarlamaanka iyo wasaaradda Maaliyadda.
Sida ku xusan xeerka canshuurta Soomaaliyeed dhammaan shaqaallaha waa in ay bixiyaan canshuurta, marka laga reebo kuwa hela wax ka yar 200 oo doollar kuwaas oo aysan ku waajibin. Jaangooynta xeerka ayaa qaba in qofkii hela in ka badan 1500 oo doollar ay ku waajibtay 18% oo ah canshuurta dakhliga. Ha se ahaate xildhibaannada oo hela 3000 oo doollar oo mushaar ah iyo 1500 oo doollar oo amnigooda ku baxda ayaa bixiya 8% kaliya. Heshiiskaan waxaa gaaray Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka iyo wasaarada Maaliyadda intii lagu guda jiray dib u eegistii Miisaaniyadda 2017dii.
“Tani waa caddaalad darro, maxaa yeelay Guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka waxay iyaga oo awooddooda isticmaalaya ku guuleesyteen in canshuur dhimis ama dhaafba loo sameeyo xildhibaano wax badan hela”Sidaa waxaa yiri Caasha Cabdi oo ah dukaanley ku sugan degmadda howlwadaag.
‘Xildhibaannadu wax fiican oo looga daydo ma sameeynayaan, maxaa yeelay waxay u shaqeeynayaan naftooda oo kaliya .Waa in ay bixiyaan qaybtooda si xaq ah sida annagaba aan u bixino” sidaas waxaa ku aragti dhiibtay shaqaale ha’yadaha an dawliga aheyn oo hela wax ka badan 1800 oo doollar isla markaana bixiya canshuurta ku waajibtay ee 18%. Aad ayaan ugu xanaaqsanahay, waxaan bixiyaa in ka badan inta xildhibaannadu bixiyaan, kuwaas oo iga lacag iyo awood badan, una shaqeeynaya naftooda, intii ay aniga ii shaqeeyn lahaayeen madaama canshuurteyda laga siiyo mushaarka.
Xildhibaannada qaar oo UM ay la hadashay kuwaas oo aanan magacdhabi Karin sababo la xiriira iyaga oo aanan jecleysan in la ogaado, ayaa qiray carrada shacabka,balse ku dooday in iyaga laga filayo waxyaabo badan sida hoteelka, taageerida qaraabadooda saboolka, ah iyo waliba tabarucaada ay u fidiyaan deeganada ay kasoo jeedaan marka ay timaado xaalad degdeg ah sida geeri oo kale. Waxay se xildhibaannadu qirsanyihiin in canshuur dhaafkaan gaarka ah uu yahay mid xaqdarro ah.
“Haddii aan bixino canshuurta 18% oo dhameystiran, waxaa nasoo wajahaya xaalad adag oo suuro galiney in aan ku badaadno Muqdisho sababa la xiriira waajibaadkeena.”Sidaas waxaa yiri xildhibaan magaciisa qariyay.”Haddii aan bixino canshuurta 18% ee dakhliga, xildhibaannadu waxay u baahnaan doonaan taagro iyo ilaalo bilaash ah.’
Dadka dhaliilsan canshuur dhaafka xildhibaannada ayaa sheegay in aysan marnaba la wadaageyn dareenka xildhibaannada ayna tahay in xildhibaannadu bixiyaan canshuurta oo dhameystiran.
“Dhammaan xildhibaannadu waa ay ogaayen waxa shaqadu tahay inta aysan xildhibaan noqon, intooda badanna waa ganacsato. Marka waa in ay bixiyaan canshuurta sida aniga oo kale’ Maxamed Cilmi oo ah arday dhigta maadada ganacsiga ayaa si caro leh hadalkaas u yiri.
“Taageerida qaraabadaada, amniga iyo hoteeladu waa arrin gaar u ah oo ay tahay in xildhibaannadu bixiyaan sida aan annagaba sameeyno. Tani cudurdaar uma noqoneyso in la bixiyo canshuur ka yar tan dadweynaha. Arday kale oo dhigta maadada dhaqaallaha oo magaciisa qariyay ayaa sii raaciyay.
Qiimaha canshuurta dakhliga ee Soomaaliyeed
$ Mushaar | Canshuur (%) |
0-200 | Canshuur la,aan |
201-800 | Boqolkiiba 6 |
801-1500 | Boqolkiiba 12 |
Ka badan 1501 | Boqolkiiba 18 |