Shaqaale Samafal oo lagu afduubtay gobalka Baay

952

Wararka aan ka helayno gobalka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi afduub loogu gaystay shaqaale ka tirsan dadka ka shaqeeya howlaha bani’aadanimada Soomaaliya.

Shaqaalaha la af-duubtay ayaa lagu soo waramayaa inay u shaqaynayeen mid ka mid ah hay’adaha maxaliga ee ka shaqeeya howlaha gargaarka taasi oo lagu magacaabo  Gredo.

Hay’adda Gredo ayaa ka howl-gasha goballada Baay iyo Bakool, taasi xarunteedu ay tahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Shaqaalaha la af-duubtay ayaa tiradooda lagu sheegay in ay gaarayeen lix qof, waxaana la sheegay in laga af-duubtay deegaan lagu magacaabo Garas Shaani oo Ku yaala meel qiyaastii 20 iyo dhowr kiilo miitir ujirta magaalada Baydhabo.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in shaqaalaha la af-duubtay xilli ay deegaankaasi ka wadeen howlo bani’aadanimo gaar ahaan xilliga falka dhacayay ay deegaanka ka  qaybinayeen nafaqada carruurta

Lama oga sababta loo af-duubtay shaqaalahan iyo waliba cidda ka dambaysa falkaasi af-duubka ah.

Ma jiro war kasoo baxay hay’adda Gredo ee ku aadan af-duubka shaqaalaheeda lagula kacay.