Shaqaalaha Maamulka Hawada Soomaaliya oo Muqdisho loo soo wareejiyay (Dhagayso)

1094

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in maanta lagu guuleystay in Magaalada Muqdisho la keeno Shaqaalihii ka howlgali jiray xarunta laga maamulo Hawadda Soomaaliya ee Magaalada Noirobi.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay guul wayn oo ay dowladda Soomaaliya gaartay, islamarkaana wixii maanta ka dambeeya Magaalada Muqdisho ay ka shaqeyn doonaan.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sidoo kale tilmaamay in inta badan qalabkii yaallay Kenya la keenay magaalada Muqdisho.

Muddo ka badan 20 Sano ayay ka shaqeynaayeen xarun ku taala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya taasi  laga maamulayay  Hawadda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Tallaabadda lagu soo wareejiyay shaqaalahan  ayaa horseedi karta in dhammaan Hawadda Soomaaliya laga maamulo magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Dhamaadkii  Sanadkii tagay ee 2017-kii in lasoo wareejiyay hawadda Soomaaliya oo wixii ka dambeeyay burburka Soomaaliya ay gacanta ku haaysay Hay’adda  maamusha hawada Caalamka oo ka mid ah hay’adaha ka tirsan ama hoos raga Qaramada Midoobay.

Hoos ka dhagayso codka wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya