Shacabku xaq ayay u leeyihiin in ay wax ogaadaan -UM

125

Muqdisho (UM) – Muuqaalada ceebta ah ee muujinaya muran u dhaxeeya xildhibaannada Baarlamaanka waa kuwo waji gabax ku ah dadweynaha. Dadka Soomaaliyeed ayaa arki karay  metelayaashooda oo u dhaqmaya si ka liidata caruurta iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo inta xakameyn waayay kalfadhigii dood la’aan soo gabagabeeyay.

Ceebta ugu weyn ee dhacday sabtidii sababtayna in la hakiyo kalfdhiga ayaa ahayd in xildhibaannada qaar aysan rabin  su’aalaha la weydiinayo labo wasiir oo ka tirsan golaha wasiirada aysan noqon kuwo toos loo daawado.

Baarlamaanku waxa uu iska noqday gole kaftan, shacabka Soomaaliyeedna been looga ma sheegi karo siyaasadaha amni ee fashilmay maxaa yeelay iyaga ayaa ah dhibanayaasha. Warbaahinta joogisteeda ama maqnaayshiyaheed marnaba ma qarin karto xaaladaha amni oo dadweynaha iyo duniduba ogtahay in ay aad u liitaan.

Haddaba yay xildhibaannadu isleeyihiin waad khaldi kartaan? Sidooda oo kale dadka Soomaaliyeed kuma noola hoteello iyo guryo la waardiyeeyo, waqtiyada fasaxana kuma qaataan Nairobi, ee waxa ay la noolyihiin amni darradaan ay ku guuldareysteen in ay wax ka qabtaan  dowladdaan iyo baarlamaankaan.

Su’aal weydiinta iyo la xisaabtanka wasiiradaan iyo saraakiisha sarsare ee ka masuulka ah amniga dalka waa mid soo daahday oo loo baahnaa in ay mar hore dhacdo. Dadka Soomaaliyeed waa dhibanayaasha weeraro argagixiso oo joogto ah iyo dowlad jawaabteeda kaliya ay tahay wado xiris.

Waa in kuwa qaabilsan amniga la horkeenaa dadweynaha oo ay si toos ah ula xisaabtamaan. Ma ahan khatarta iyo cabsida ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed mid la qarin karo oo sir ah. Sidaas darteed waa in aysan xildhibaannadu iska dhigin kuwa ilaalinaya danta qaranka iyaga oo soo afjaraya kalfadhiga lagula xisaabtami lahaa saraakiisha ku fashilmay wax ka qabashada xaalada amniga.

Shacabku waxa u sharaxaad ka sugayaa saraakiisha amniga ee ku fashilmay waajibkooda. Waa in sharaxaad ka bixiyaan sababta ay u fashilmeen ama  fursad siiyaan kuwa kale ee ka shaqayn kara ammaanka shacabka.

SHARE