Muqdisho (UM) – Dilka Maxamed Sheekh Cali oo ahaa ganacsade da’yar oo firfircoon isla markaasna astaan u ahaa dhallinyaradda hal-abuurka leh ee Soomaaliyeed wuxuu ka nixiyey dhamaan shacabka Soomaaliyeed.
Alle ha u naxariistee Maxamed Sheekh Cali ayaa shalay la dilay isgooyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kadib markii ay gaari ay wateen ay ka soo dhex toogteen kooxdii dilka geystay. Marxuumka ayaa geeriyooday isla markii la geeyay Isbitaalka iyadoo isla markiiba lagu aasay khabuuraha Isbitaalka Madiina. Aaskiisa waxaa soo buux dhaafiyay dhalinyaro farabadan, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo laamaha amniga iyo cullumo awdiin. Dadkii tirada badnaa ee ka soo geyb galay aaska waxay cadayn u tahay qiimaha marxuum Maxmed Sheekh Cali ku dhex lahaa bulshada.
Sir qarsoon maaha in amni daradu ay tahay caqabada ugu weyn ee ka jirta meelo badan oo dalka ka mid ah. Waxa kale oo aan sir qarsoon aheyn in dhaqaalaaha ugu badan ee miisaaniyadda dowladda lagu bixiyo amniga, iyadoo midaa la eegayo way sahlantahay in la qiro in lacag oo kelliya aanay aheyn xalka kelliya ee lagu maareyn karo amni daradda Muqdisho. Sidaas daradeed, dhibka ugu weyn ee horseedka u ah amni darada waa maamul xummo, qorshe la’aan iyo awoodihii dambi baarista oo aan tayo badan laheyn ama jirin.
Xilligii lagu guda jiray duugta Marxuum Maxamed Sheekh Cali ilaa iyo waqtigaa wixii ka dambeeyay shacabku rajo kama qabaan in dhibaha naftiisa waayey uu cadaalad heli doono. Si kastaba ha ahatee, hadii dowladda Soomaaliya ay rabto in si dhab ah loo aamino siyaasadeeda ku aadan dhanka amniga waa inay hubisaa in dilka ninkan dhalinyarada ah ee mustaqbalka wanaagsan lahaa uusan noqon mid buuxiya tirakoobka dilal badan oo qorsheysan oo loo geystay shacabka Soomaaliyeed.
Kiiskan waa inuu noqdaa bilowga raadinta cadaalad ay helaan dhamaan dhibanayaasha dilalka qorsheysan.
Dadka dhibanayaasha ah ee lagu dilay gaar ahaan caasimadda Muqdisho ayay inta badan waxaa geysta dilalkooda kooxo aan la garaneynin oona badanaa ka baxsada goobaha ay dilka ka fuliyaan. Sida kelliya ee looga hortagi karo dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka dhaca loona geysto shacabka waa in marka hore si dhab ah oo tayo leh loo baaro isla markaasna cadaalada la horkeeno dambiilayaasha.
Maaha wax marnaba la aqbali karo in magaalo ay meel walba daadsanyihiin ciidamo dowlada ka amar qaata oo hubeysan si joogto ah la iskaga dhex dilo dadka shacabka ah kadibna ay si dhib yar u baxsadaan kooxaha dilalka geysta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay wax ka qabataa amni darada iyo dilalka sii kordhaya ee inta badan kooxo hubeysani ka geystaan Caasimadda Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka. Hadii midaasi dhici weydo, waxay shacabku halis ugu jiraan inay isu hubeyaan si ay ammaankooda u sugaan ayna dib ugu laabtaan nidaamkii qabiiliga ahaa. Taasina maaha mid ay dan ugu jirto shacabka iyo dowladda midna.