Mogadishu (UM) – Shacabka Soomaaliyeed waxa ay dhibane joogto ah u yihiin amni darrada. Amni darradu waa caqabada ugu weyn ee ay dowladdani wajaheyso; bisha Ramadaana kumaba sii jirto oo waa mid aad looguu nugulyahay weerarada Al-Shabaab.
Sidaa darteed waxa uu caqligu na tusayaa in hey’adaha ammaanka ay laga maarmaan tahay in ay la yimaadaan qorshe dhameystiran oo ay ku badbaadinayaan dadka, hantida iyo guud ahaan dalka. Waxay u muuqataa in qorshehaas amni ay hayaan waana in ay xiraan waddooyinka oo uusan baabuur dowlad ma ahe , mid kale marin.
Waxaa jira saraakiil ammaan oo dhaliilay amarkii madaxweynaha ee ahaa waddooyinka halla furo;saraakiishaas ayaa ku doodaya in magaalada ay ku jiraan baabuur qaraxyo ka buuxaan sidaa darteedna ay muhiim tahay in waddooyinka la xiro si aan shacabka loo dhibaateeyn.
Haddii ay sidaas tahay, maxay laamaha ammaanka u heli la’yihiin baaburtaas iyo darawaladii iyaga oo raacaya raadadka xogaha ay hayaan. Maxaa magaaladii Muqdisho oo ah ubucdii dhaqaalaha dalka Soomaaliya loogu xirayaa wada shaqeyn iyo iska warqabka la’aanta hey’adaha ammaanka si looga hortago khatarta la sheegay. In wadooyin ama xaafado dhan loo xiro wasiir kaliya ayaa ku nool waxay keenee in ay meesha ka baxdo kalsoonidaa shacabka ay ku qabeen dowladda iyo hawlagalada ammaanka.
Caqliga ah waddooyinka halloo xiro ammaan dartiis waa mid la yaab leh oo aan meelna looga dhaqmin. Waa loo qaateen in la yiraahdo amniga Soomaaliya waa uu ka badallanyahay waddamada kale, laakiin waddooyinka oo la xiro nabadgalyo keeni meeyso.
Argagixisadu waxay ku dhex dhuumataa dadka si ay u gaarsiiso khasaare lixaad leh, marka kasta oo waddooyinka la xirana waxay sugayaan inta la furayo. Ujeedka guud ee argagixisada waa in dadka la argagixiyo oo muwaadin wanaagsan laga dhigo kuwa dowlad diid ah.
Taas waa ay ka fududahay Soomaaliya maxaa yeelay nidaamka iyo hab maamul dowladeedka ee jilicsan ee Soomaaliya ayaan marnaba shacaka u daneeyn. Kaba sii darane, iyada oo ay jirto xaaladaas ammaan ayay wali dowladdu u magacaabeysa saaxiibo aan wax khibrad iyo aqoon ah u laheyn hoggaaminta laamaha amniga.
Waddooyinka oo la xiro waxay muujinayaan oo bannaanka keenaysaa guuldarrada laamaha ammaanka. Xiritaanka waddooyinka waxaa ka imaanaya in la waayo dhaqaale badan oo canshuur ahaan loo qaban lahaa inta lagu gudo jiro maalmahaan ciida ee faa’idada badan la helo. Waddooyinka oo la xiro waxay sii kala fogeynee shacabka iyo dowladda oo mararka qaar hadallo kulul is dhaafsanaya, taas oo keentay in ciidanku ay qoryahooda ku taagtaagaan shacabka.
Badbaadinta shacabka iyo ka ilaalinta argagixisada waa ahmiyadda koowaad ee dowladda, taas waa mid la fahmi karo oo caqli gal ah. Amni la’aan waxba ma suuro galayaan. Hase yeeshee ilaalinta shacabka micnaheeda waa la shaqeyntooda iyo hindisidda xeelado looga hortago falalka amni xumida, xeeladahaas oo aan dhib ku noqon dadka loogu talo galay in ay badbaadiyaan.
Waa suuro gal in waddooyinka la furo si dadku u wataan noloshooda caadiga ah, iyada oo aan la dayaceen ammaanka. Waxa kaliya loo baahanyahay ayaa ah in laamaha ammaanka ay la yimaadaan qorshoyaal diyaarsan oo ay fulin la socoto.
Dadka Soomaaliyeed waxa ay xasuustaan musharax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ballan qaaday in uusan waddooyinka xiran doonin , noloshana ku dhibi doonin dadka Soomaaliyeed. Hadda waa in madaxweyne Farmaajo uu fuliyaa ballantiisa isaga oo isla markaana ka shaqeeynaya badqabka dadka soomaaliyeed.