Sawirro: R/Wasaare Xasan Kheyre oo gaaray magaalada Garowe

1262

Garowe (UM) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Ra’iisal Wasaare kheyre ayaa garoonka diyaaraha ee Garowe waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Waxaa safarka ku wehliya Ra’iisal Wasaaraha wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Zabriye  iyo wasiirka qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xassan iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare kheyre ayaa sidoo kale inta uu ku jira booqashadiisa safar ku tagi doono deegaano kale duwan oo ka tirsan Puntland.

Waa booqashadii ugu horresay oo Ra’iisal Wasaare kheyre ku tago dowlad goboleedka Puntland tan iyo markii xaafiiska loo magacaabay.

Waxaa lagu wadaa in halkaasi ay kulamo kula qaataan wafdiga ra”iisul wasaaraha madaxda iyo shacabka Puntland, iyadoo maalmaha soo aadan ay kusii sugnaan doonaan deegaanada Puntland.

SHARE