Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo gaaray maanta magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si wayn lagu soo dhoweeyay isaga iyo wafdigiisa.
Dhammaan shacabka iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland waxaan idinkaga mahadcelinayaa sidii sharafta lahayd ee aad aniga iyo wafdigeyga Kismaayo noogu soo dhoweyseen. Muddada aan Kismaayo joogo waxaan kulamao la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada pic.twitter.com/t5NfV7KxJg
— Hassan Ali Khaire (@HassanAKhaire) March 11, 2019
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland, wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale magaalada ku soo dhaweeyay dad wayn aad u fara badan isagoo kula hadlay bartamaha magaalada Kismaayo.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la kulamo la qaadan doono Madaxweynaha Jubbaland sidoo kalena ay ka wadahadlaan xoojinta iyo wadashaqeynta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo dowladda Dhexe oo bilooyinkii ugu dambeeyay khilaafka hareeyay.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay inuu la kulamo la qaadan doono qeybaha kale duwan ee bulshada Jubbaland.