Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo dhiggiisa Jabuuti Muqdisho ku soo dhaweeyay

653

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Geelle oo loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa berri wadahadallo labo geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda kale dowladda.

Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale Muqdisho berri uga soo gudbi doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo ku sugan Ciidamada nabad ilaalinta Hiil walaal ee Jabuuti ee ka tirsan nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale la filayaa inuu xariga ka jarro dhismaha safaarada Jaabuti ee dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Jaabuti waxaa sidoo kale ku wehliyay fannaaniin caaan ah oo uu ka mid yahay Xasan Aadan Samatar oo muddo ku dhaw 30 sanno dalka ugu dambeysay.