Hay’adda ZamZam Foundation oo gurmad lacageed gaarsiisay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay masibadii Zoope

1781

Masuuliyiinta Hey’adda Samsam Foundation ee magaaladda Muqdisho waxaa ay maanta deeq gaarsiiyeen qaar kamid ah Bukaanada ku jira Isbitaaladda kuwaas oo dhibaatado kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho Sabtidii aan soo dhaafnay.

Dr Maxamed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dhawaacyadda u baahan yihiin in lagarab istaago, maadaama qaarkood ay ka soo jeedaan qoysas aad u dan yar.

Madaxa Hay’adda Samsam Sheceyb C/ladiif Sheekh Bashiir ayaa waxaa uu tilmaamay in Qorshuhu yahay inay tagaan inta badan Isbitaaladda lajiifiyey Dadkii u dhaawacmay Musiibadda ka dhacday Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya sidoo kalena kamid ah Guddiga Gurmadka Qaran C/raxmaan Cumar Cismaan  ayaa waxaa uu sheegay in dadku inay isgarab istaagaan ay aad muhiim u tahay waxaana uu u mahadceliyey Madaxda Hey’adda Samsam Foundation sidda ay dadka u garab taagan yihiin.

Xigasho: Raido Mudqisho

SHARE