Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa markii ugu horaysay waxaa loo aqoonsaday inay yihiin xisbiyo siyaasadeed ee ka howl gali kara Soomaaliya, taasi oo ah tallaabo lagu doonayo in Soomaaliya kor ay ugu qaado hormarinta Dimuqraadiyadda.
Munasabad shahaaddooyinka aqoonsiga axsaabta siyaasadeed oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaasi waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed, wasiiro, Xildhibaano iyo xubno ka socday ururada Bulshada Rayidka.
Xisbiyada siyaasadeed ee shahaaddooyinka la siiyay ayaa tiradoodu waxaa ay gaaraysay ilaa iyo Toddobo xisbi siyaasadeed.
Shahaaddooyinka waxaa bixinayay Guddiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka, ayadoo shahaaddooyinka iyo ruqsadaha axsaabta la siiyay ay yihiin sida la sheegay kuwo ku meel gaar ah.
Guddoomiyaha guddiga Madaxbanaan doorashooyinka dalka Xaliima Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey Ku magac dheer oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in guddiga uu qaaday tallaabooyin muhiim u ah sidii dalka doorashooyinka soo aadan ay u noqon lahaayeen kuwo u dhaca sidii lagu ballamay oo ah doorashooyin qof iyo cod ah.
Madaxda Kale ee halkaasi ka hadlay ayaa aqoonsiga axsaabta siyaasadeed dalka ay tahay tallaabo loo qaaday dhinaca hormarka dimuqraadiyadda aadka loo dhaliilo ee Soomaaliya.
Xisbiyada maanta oo Axad ah shahaaddooyinka lagu guddoonsiiyay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.
Waa markii ugu horaysay Axsaab siyaasadeed ee Soomaaliya la Aqoonsado tan iyo bilowgii xurnimada Soomaaliya xilligaasi oo dalka ay ka jireen nadaamka axsaabta siyaasadeed.