Sawiro: Wasiirka Maaliyadda oo Su’aallo laga waydiiyay miisaaniyadda 2018-ka

988

Kulan dhagaysi Bulsho oo uu soo qaban qaabiyay guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federal ka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qayb galay kulanka, kaasi oo guddiga iyo ka qayb galayaashu ay wasiirka su’aalo waydinayeen.

Su’aallaha ayaa Ku saabsanaa Arrimaha la xiriira miisaaniyadda Qaranka ee uu ansaxiyay Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa labo siyaabo u kala dhacay.

Galinkii hore wasiirka Maaliyadda ayaa wax laga waydiinayay miisaaniyadda Qaranka ee 2018-ka ayadoo kulanka qaybtiisa kalena wasiirka faahfaahin ka bixin ayay marxaladaha ay soo martay diyaarinta miisaaniyadda.

Hoos ka eeg sawirada kulanka

SHARE