Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo R/wasaare ku xiggeenka Xukuumadda, ayaa hadda soo booqday Xarunta Gurmad qaran ee Magalaadda Muqdisho, halkaasi oo ay ka socdaan Howlo loogu gargaarayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14kii Bishaan.
Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa Xarunta gudaheeda kula kulmay Hooyo Soomaaliyeed oo Naafo ah, heystana labo Caruur ah oo Seygeedii ku weysay Musiibaddii KM5 ka dhacday Sabtidii lasoo dhaafay.
sidoo kale R/wasaare Kheyre iyo Ku xiggeenkiisa, ayaa Xarunta gudaheeda kulan kula qaadan doonno Guddigii loo xil saaray u gurmashada dhibaneyaashii waxyeelada ay kasoo gaarta Qaraxii Magaaladda Muqdisho ka dhacay.