Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulama kale duwan maanta oo Khamiis ah la qaatay Madaxda Hey’adaha Qaramada Midoobay iyo Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.
Kulanka hore Ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdiga la socda waxay ay kulan la qaateen Qeybaha kale duwan Hey’adaha Qaramada Midoobay ee isugu jira kuwa horumarinta iyo kuwa samafalka, waxaana ay ka wada hadleen sidii hey’adaha ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo caawinta Dadka reer Hirshabelle oo dhibaatooyin kale duwan oo abaarta ay ugu weyntahay aynan ka soo kabsan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sharaxaad ka siiyay Hey’adaha baahida ka jirta Dowlad Goboleedka iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay baahiyahaasi in laga qeyb qaato sidii looga jawaabi lahaa, waxaana uu kaga mahadceliyay howlaha dalka ay ka hayaan.
Madaxda Hey’adaha kale duwan ee Qaramada Midoobay ee uu kulanka la qaatay Madaxweynaha ayaa balanqaaday in deeganada Hirshabelle ay ka fulinayaan dhowaan mashaariicyo horumarineed oo hadaba diyaar ah, sidoo kalena deeqo gar gaar ah ay gaarsiin doonaan dadka ay saameynta ku yeesheen abaarihii ugu dambeeyay ee ku dhuftay koonfurta Soomaaliya.
Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Kulan kula qaatay Xarunta Ciidamada Midowga Africa ee Xalane Saraakiisha ugu Sareysa AMISOM, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha Amniga deeganada Maamulka iyo sidii AMISOM ay uga qeyb qaadan laheyd xaqiijinta amniga. Madaxweyne Waare ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan Wadooyinka Xiran iyo Go’doominta ururka Al Shabaab ay ku hayaan dadka ku nool deegaanno ka mid ah Hirshabelle, waxaana uu kala hadlay Saraakiisha AMISOM, sidii looga qeyb qaadan lahaa in dadkaasi laga dulqaado dhibaatada haysata sida ugu dhakhsiyaha badana looga wada shaqeeyo furuidda wadadaas.