Sawiro: Madaxweynaha oo dalka kusoo laabtay kaddib shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

854

Muqdisho (UM) –  Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay maanta, kaddib shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa Brussels waxa uu la kulmay madax ka socotay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, oo uu kala hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey qaar ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku soo saagootiyey magaalada Brussels, isagoona ku adkeeyey in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dib-u-dhiska dowladnimada iyo soo-celinta maqaamkiii Soomaaliya ay ku lahayd saaxada caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay howlaha adag ee horyaalla Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu muhiimsan tahay tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidammada Qalabka Sida, kobcinta ganacsiga, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa hadalka u jeediyay qurbajoogta Soomaaliyeed ee Qaaradda Yurub uga hadlay waxyaabihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Federaalka ah, kordhinta ilaha dakhliga, xaqiijinta kalsoonida beesha caalamka, dib-u-soo-celinta maamulka hawada iyo maxaabiistii ku dhibaataysnayd xabsiyada dalalka shisheeye oo waddanka dib loogu soo celiyey.

Image may contain: 20 people, people smiling, indoorImage may contain: 21 people, people standing, wedding and crowdImage may contain: 2 people, suitImage may contain: 1 person, smiling, suitImage may contain: 3 people, people sitting and indoor