Home Photos Sawiro: Diyaaradda Ethiopian Airways oo bilowday duulimaad labada dal oo toos ah

Sawiro: Diyaaradda Ethiopian Airways oo bilowday duulimaad labada dal oo toos ah

50

Waxaa Maanta markii ugu horreysay muddo 41 sano ah soo Caga dhigatay Gegidda Diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Diyaarad Rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airways.

Waxaa munaasabaddan goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya.

Shirkada diyaarada ee Turkish Airlines ayaa sannadihii dambe ka shaqeynaysay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lafilaa in dhawaan shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways ay bilaawdo inay duulimaad toos ah ku tagto magaalada Muqdisho iyadoona marka uu bato tartanka duulimaadyada caalamigaa la lafilayo inuu hoos u dhac ku yimaado qiimaha tikidhada caalamigaa oo hada ah kuwo qaaliya u socdaalista iyo ka soo bixitaanka Soomaaliya intaba.

Dadka Soomaaliyeed ayaa baahi weyn u qaba duulimaadyadda caaalimiga,waxaana Muqdisho shirkad Caalami ah oo dhanka duulimaadka ah ka howlgasha ka jira Shirkada diyaaradaha ee Turkish.

 

SHARE