Home Wararka Bilaha Sawiro: Aqoonyahano Soomaaliyeed oo shir uga furmay wadanka Mareykanka

Sawiro: Aqoonyahano Soomaaliyeed oo shir uga furmay wadanka Mareykanka

513
Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo isugu jira khabiiro dhinaca beeraha,wasiirro xilal ka soo qabtay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya iyo masuuliyiin ku taqasusay cilmiga deegaanka ayaa shir uga furmay magalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka,kuwaasi oo ka kala yimid goboladda Dalka Mareykanka,Canada, Nairobi iyo meelo kale oo baddan.

Shirkan ayaa ka furmay hollka shirarka ee Jaamacadda The Ohio State Unuversity ee magaalada Columbus,waxaana ujeedku yahay Baadigoobka hannaan lagu bad baadiyo deegaanka iyo sidii loo dhiirogalinlahaa jiilasha cusub ee barta cilmiga deegaanka,xili Soomaaliya jarista Dhirta fatahaadaha wabiyada iyo biya yariduba ay ku soo laalaabteen loona baahanyahay in lagu baraarugo muhiimada deeganka.

Waxa ay intooda baddan aqoon u leeyihiin arrimaha deegaanka waxay wax ku barteen wadamada dibadda, waxayna ka soo shaqeeyeen gudaha Soomaaliya xiliyo kala gedisan,waxa ay u arkaan xiligan in uu yahay xiligii ay Taariikhda qori lahaayeen,iyagana ay qori lahayd, oo ay dalkooda iyo dadkooda dhaxal uga tagaan.

Xubanaha shirkan uga furmay Columbus oo gaaraya Boqol iyo shan xubnood (105) waxa ay qireen in Soomaaliya ay tahay wadan leh dhulbeereedka Geeska Afrika ugu fiican hasa ahaatee ay ku xeeranyihiin caqabado hortaagan in horay loo dhigo arimaha beeraha, lakin dhanka kale ay jiran dhul baddan oo la beeri karo oo Nabad iyo Maamul ka jiro hadana aan laga faa’iidaysan, waana arimaha keenaya in aan lagu baarurugin ahmiyada Beraha.

Ma jirto dowlad ama urur iskugu yeeray intan oo aqoonayahan ah balse waxa ay isla garteen in tani ay tahay doorkoodii kaga aadanaa dalkooda maadama intooda badan ay wax ku barteen Canshuurtii Dowlada Soomaaliya ay ka qaaday shacabka.

Shirkan oo sadex cisho socon doona waxaa laga soo saari doonaa warmurtiyeed sida ay sheegeen wax gal u noqon doona arimaha deegaanka iyo beeraha Soomaaliya gaar ahaan Ardayda barata Cilmiga deegaanka.

Waa markii ugu horeysay oo shir looga hadlayo arrimaha deegaanka lagu qabtay Columbus,waana shir ahmiyad u yeelan doona dadka xiiseeya arrimaha Beeraha,Deegaanka iyo Cimilada Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

     

SHARE