Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka dowladda oo dil toogasho lagu xukumay

896

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Xoosh lagu helay dambiga dilka ah, ka dib markii maxkamadda la horkeenay marqaati iyo caddeymo ku filan kiiskaasi.

Qoraalka ayaa lagu yiri: Maxakamadda waxaa u caddaatay in G/Sare X. C/naasir Xoosh Maxamed uu yahay dambiile galay dambigii lagu soo oogay, maxamaduna ku ridday xukunka oo kala ah:-

  • Waxay ka xayuubisay darajadii uu sitay oo ahayd G/Sare
  • Waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, taasi oo ah qisaasta marxuum Ex- Sarreeyo Guuto Saciid Aadam Yuusuf (Saciid Mariino)

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay, haddii ay jiraan cid aan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda inay racfaan qaadan karaan.