Saraakiil Soomaaliya oo ka qalinjabiyay dugsi tababar dalka Turkiga

910

Saraakiil iyo saraakiil xigeeno Soomaali ah oo gaaraya 63 ayaa dalka Tukiga ku dhameystay tababar ciidan oo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka ah.Tababarkaan  oo u soconayay saraakiisha iyo saraakiil xigeenada muddo  ayaa ugu danbeyn usoo dhammaaday, iyada oo la guddoonsiiyay shahaadoyin.

Tababarkaan waxaa bixinayay tababarayaal u dhashay dalka Turkiga, iyada oo sidoo kalena ay saraakiisha Soomaalida fursad u heleen in ay la tababartaan ciidanka Nato  iyo ciidamo kale oo ka socday qaaradaha Aasiya iyo AFrika.

Dawladda Turkiga ayaa si dhaw Soomaaliya uga taageerta dhinaca ciidanka iyada oo Turkiga uu Soomaaliya ka furay saldhiga ugu weyn  afrika, kaas oo lagu tababaro ciidanka Soomaaliya.