Saraakiil sare sare oo ka tirsan waaxda canshuuraha dekedda Muqdisho oo xabsiga loo taxaabay

1397

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa xarig loo geystay Xubno katirsan Kastamka Canshuuraha ee Dekeda Weyn ee Magaalada Muqdisho, Kastamka Canshuuraha waa halka lagu Canshuuro Badeecadaha iyo Alaabaha ka soo dega Dekeda Muqdisho, inta aysan dibedda usoo bixin.

Wararka, waxa ay sheegayaan in ku dhowaad 10 qof oo kamid ah Masuuliyiinta Kastamka Canshuuraha loo jaray Warqad lagu soo xirayo, waloow qaarkood wali gacanta aan lagu heyn.

Xarunta dnabi baarista ee C.I.D, Waxaa haatan ku xiran lix kamid ah Xubnaha Kastamka Canshuuraha ee Dekeda Muqdisho, Dadka la xiray waxaa ku jirta Haweeney Maamule kuxigeen ka ah Kastamka.

Saraakiil katirsan Xafiiska Hnati Dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa Mustaqbal usheegay in dadka la xiray 5 Kmaid ah ay yihiin rag, halka ruuxa kalena ay tahay Dumar, Sababta dadkan loo soo xiray waxey ku sheegeen arimo la xiriira Musuq Maasuq.

Ciidamada ka socday Hay’ada danbi baarista, ayaa sidoo kale waxey gudaha ugaleen Dekeda Muqdisho, iyagoo la wareegay Xafiiska Kastamka Canshuuraha ee Dekeda Muqdisho, waxeyna gabi ahaanba joojiyeen Shaqadii halkaasi ka socotay mudadii ay baaritaanka wadeen.

Ciidamada C.I.D, ayaa la soo sheegayaa iney la’yihiin Axmed C/llaahi Samow oo ah Maamulaha Kastamka Canshuuraha ee Dekeda Muqdisho, wuxuuna kamid ahaa dadka warqada lagu soo xirayo loo Jaray.

Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, oo ah Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa mudooyinkanba si gaar ah isha ugu hayay, sida ay usocoto Shaqada Kastamka Canshuuraha, taasoo ugu dnabeyn keentay in Saraakiil xabsiga loo dhigo Musuqmaasuq