Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka oo Maanta tababar loogu qaaday Turkiga

643

Afartan iyo sagaal Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta loo qaaday Dalka Turkiga, si halkaas ay ugu soo qaataan tababar Sare loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadooda ciidan.

Saraakiishan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed ayaa guud ahaanba Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada nasiibka u yeeshay inay tababarka helaan waxa uu ugu baaqay inay dedaalkooda Laba jibbaaraan, isla markaana ay noqdaan kuwa Dalkooda wax u qabta aqoonta ay soo bartaana dalkooda ula soo noqda waxna kusoo kordhiya dalkooda.

SHARE